Dowlada Uganda oo dalbatay in la kordhiyo taageerada AMISOM

Muqdisho-GNNFM- Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda General Katumba Wamala ayaa sheegay Ciidanka AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya in ay u baahan yihiin taageero dheeraad ah, si loo kordhiyo soo kabsashada dalka.

Waxa uu sheegay in sanadihii ugu dambeeyay, tallaabooyin waa wayn loo qaaday dhanka horumarka si ay u soo nooleeyaan dalka, hase yeeshee taageero dheeraad ah weli loo baahan yahay.

Sidoo kale General Katumba Wamala ayaa sheegay Howlgalka Ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM in hada ay taageeraan Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika, muhiimna ay tahay in la helo miisaaniyad dheeraad ah.

“Soomaaliya waxay u egtahay ilmo weli la nuujinayo, waxay ubaahan tahay dhammaan taageerada adduunka inteeda kale, waa muhiim in qiimeyn lagu sameeyo hawlaha nabadda, Ugandha waa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee qaybta ka ah Militariga iyo Booliska ee hawlgalka.” Ayuu yiri Wamala.

Taliyaha Ciidanka Difaaca Uganda General Katumba ayaa ku baaqay in la dardar-geliyo dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida Soomaaliya, si ay Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ugala wareegan nabadgelyada dalka.

General Wamala, ayaa sheegay in Dowladda Uganda ay dooneyso in la xoojiyo tayada ciidamada ammaanka iyo dib u dhis ballaaran, oo lagu sameeyo Ciidanka Militariga Soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Militariga Uganda ayaa bishii January 2017-kii booqasho aan horey loo sii shaacin ku yimid Magaalada Muqdisho, wuxuua kormeeray saldhigga AMISOM ee Baraawe, isaga Ciidamada xilligaasi ku dhiirageliyay in ay shaqadooda dardar geliyaan.

Wadamada Midowga Afrika ee ay ciidamadu ka jooggan Soomaaliya, ayaa waxaa lagu dhaliilaa in ay ka gaabiyeen dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida iyo la dagaalanka Xoogaga Ururka Al-Shabaab.