Dowlada UK oo tababar u soo xirtay ciidamo cusub

Saraakiil ka tirsan UK ee ku sugan Soomaaliya ayaa tababar u soo xiray ciidan ka badan 500 askari oo loogu tala galay inay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah ururka Al Shabaab.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb galay munaasabadda tababarka loogu soo xirayay ciidamadan, waxayna ciidamada ku dhiirageliyeen inay dalkooda difaacaan.

Taliye kuxigeenka ciidanka xoogga dalka qeybta 60-aad Khaliif C/naasir ayaa wuxuu sheegay inay ku faraxsan yihiin tababarka loo soo xiray ciidankan, wuxuuna tilmaamay in ciidankan la baray hawlo badan oo la xiriira arrimaha ciidanka.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed Ugaas Xasan oo ku hadlayay magaca Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ayaa wuxuu sheegay in Koonfur Galbeed ay ku faraxsan tahay in ciiankooda ay helaan tababaro heerkooda sareeyo.

“Dowladda UK waxyaabo badan ayay ummadda Soomaaliyeed ka caawisaa, keliya arrimaha ciidamada nagama taageerto, ciidankan waxay la dagaalami doonaan nimanka cadowga ah ee Al Shabaab, waxaan idin kula dardaarmayaa dalkiina iyo dadkiina oo aad u dhaarateen inaad difaacdaan”. Ayuu yiri Ugaas