Dowlada Waqooyiga Kuuriya Oo Sheegtay Inay Baajin Doonto Kulanka Madaxweyne Donald Trump

Dowladda Waqooyiga Kuurya waxay maanta kansal gareysay Kulan ay la yeelan lahaayeen Saraakiil ka socota Dowladda Koonfurta Kuurya, waxayna ku hanjabtay inay baajin doonto Kulanka Taariikhiga ee Hoggaamiyaha dalkaasi, Kim Jong Un la yeelan lahaa Madaxweynaha Maraykanka bisha soo socota ee June 12-da.

Tallaabadaasi ayaa lagu sheegay in looga soo horjeedo  Dhoolatuska Milliteri ee ay sida wadajirka u samaynayaan Milliteriga Mraaykanka iyo kuwa Koonfurta Kuurya, waxayna Dowladda Waqooyiga Kuurya u aragtaa arrintaasui weerar iyaga ka dhan ah.

Wakaalladda Wararka Waqooyiga Kuurya waxay Waaberigii hore ee saakayto shaaciyeen Bayaankaasi lala yaabay saacado ka hor markii ay Saraakiisha Waqooyiga iyo Koonfurta Kuurya ku kulmi lahaayeen Tuullo ku taalla Xuduudka ay wadaagaan.