Dowladaah Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta oo Laga dhexbilaabay dhexdhexaadin

Qaar ka mid ah dalalka Carabta ayaa doonaya in ay xaliyaan Khilaafka cusub ee soo kala dhex galay dalalka Soomaaliya iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta ee ku saabsan Heshiiska dekedda Berbera.

Wararka laga helaayo xarunta Jaamacadda carabta ee Magaalada Qaahira ayaa sheegaya in Ururka Jaamacadda Carabta ay waddaan qorshe ku aadan soo Afjaridda Khilaafka cusub ee labada dal soo gala dhex galay.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay in mid ka mid ah dalalka Walaalaha Carbeed ee uu dhex dhexaadin doono labada dal.

Axmed Ciise Cawad  waxaa uu sheegay in qaraarkii Jaamacadda Carabta soo saartay ay ku xaqiijiyeen in Midnimada iyo Qaranimada Soomaaliya ay lama taabtaan yihiin, isl markaana markii ay damceen in la eedeeyo Imaaraadka Carabta uu dal ka mid ah kuwo xiriirka la leh Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta uu codsaday inuu arrinta dhex galo.

Wararka laga helayo magaalada Qaahira ayaa sheegaya in dowladda Sacuudi Carabiya ay dadaal ugu jirto sidii ay u kala dhex geli laheyd Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa todobaadkan fadhiga Golaha Wasiirada Jaamacadda Carabta oo ka dhacay Qaahira ku gudbisay dacawad ka dhan ah Imaaraadka, waxaana Goluhu ay soo saareen bayaan ay ku sheegeen in ay muqadas tahay madax banaanida Soomaaliya.