Dowladaah Soomaaliya iyo Pakistan oo heshiis kala saxiixday

Dowladaha Soomaaliya iyo Pakistan ayaa shalay oo Khamiis ahayd ka wada hadlay sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka Labada dhinac iyo xoojinta iskaashiga amniga iyo dhaqaalaha.

Kulan Caasimadda Pakistan ee Islamabad ku dhexmaray la taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha Siyaasadda dibedda, Balal Maxamed Cusmaan, iyo la taliyaha dhinaca ammaanka Dalka Pakistaan Gen. Nasser Khan Janjua, ayaa lagu gorfeeyay sidii loo adkayn lahaa xiriirka qotada dheer ee Labada Waddan.

Gen. Nasser Khan Janjua, oo kulankaas ka hadlay ayaa sheegay inay Soomaaliya tahay Waddan leh fursado wanaagsan oo qani ah, wuxuuna sheegay inay Soomaaliya ka caawin doonaan dhinacyo badan oo mudan in laga faa’iideysto.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay ballaarinta iskaashiga Labada Waddan, gaar ahaan Ganacsiga, horumarinta kheyraadka Aadanaha, Difaaca iyo sugidda ammaanka Dalka Soomaaliya, iyagoo si isku mid ah u ballan qaaday inay si wadajir ah ugu shaqeyn doonaan qodobbada lagu heshiiyay.

Danjiraha Soomaaliya u joogta Dalka Pakistan, Amb. Khadija Mohammad Al-Makhdoomi, oo kulanka qayb ka ahayd ayaa soo dhoweysay iskaaashiga iyo heshiiskan Taariikhiga ah ee dhex maray Labada dhinac, waxayna sheegtay inay Pakistan leedahay awood weyn oo wax looga qabto arrimaha amniga gudaha, iyadoo ay Soomaaliyana dooneyso inay wax ka barato Khibraddeeda.