Dowladaha Itoobiya iyo Eritrea oo heshiis ka gaaray Colaadii mudda dheer u dhaxeysay

Colaadii mudda dheer u dhaxeysa dowladaha Itoobiya iyo Eritrea ayaa lagu tilmaamaa inuu yahay dagaalki ugu weynaa oo hub casri ah la iisu adeegsado ee qaaradda Afrika ka dhaca, dadki ugu badnaana ay ku dhinteen.

Labada dowladood ayaa dagaalamay muddo ka badan 20sano waxaana ay iska dileyn ciidamo kor u dhaafaya Nus Malyuul.

Isbadalka cusub ee ka billaawday Itoobiya wuxuu horseeday inuu dalku hoggaamiyo ra’isal wasaare ka aragti duwan madaxdi dalka ka arrimineysay kaasoo ku baaqay dal iyo dibadba inuu wax walba oo ay nabad ku abuurmi karto iyo colaadna lagu soo afjari karo uu qaadayo.

Wuxuuna si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu soo afjarayo colaadda Itoobiya iyo Eritrea oo uu dalkiisu shuruud la’aan uu nabad u qaatay diyaarna uu u yahay inuu Eritrea la heshiiyo.

Labada dhinac ayaa ku heshiiyay Qodobadaan soo socda:-

1-Waxay ku dhawaaqday iney hirgelineyso heshiiski Algers ee 20 sana ka hor la gaaray.

2-Dhulki la isku haystay iney Eritrea siineyso colaadda dhowr iyo labaatanka sano si loo soo afjaro.

3-Labada shacab iney yihiin laba shacab oo walaala ah oo aan kala maarmin oo ay siyaasadda kala fogeysay dhulkooda hooya ee labaad oo Itoobiya ah iney ku soo dhawaadaan iyo

4-Inuu wafdi heer sare ah oo uu hoggaaminayo ra’isal wasaare Dr Abiy Axmed uu booqasho ku tagayo Asmar.

5-Shirkadda Diyaaradaha ee Itoobiya (Ethiopian Airline) ay duullimaad toos ah oo ay ku tageyso Asmara ay billaabeyso booqashada ra’isal wasaaraha kaddib.