Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiyi Axmed oo booqasho ku jooga dalka Shiinaha ayaa waxaa uu kulan mira-dhal ah la qaatay Madaxda Shirkadda Shidaalka ee dalka shiinaha.
Kulanka labada masuul ayaa waxaa ay ku kala saxiixdeen heshiis ku kacaya 1.8 bilyan oo doolar, kas oo ku saabsan horumarinta bixinta tamarta korantada iyo qaybinteeda.
Mashruucan ayaa waxaa uu awood u siin doonaa Dowladda Itoobiya  ilaa 16 beeraha warshadaha; Addis Ababa ilaa Jidka Tareenka 2aad iyo magaalooyinka kala duwan ee dalka,sida lagu sheegay War kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha itoobiya.
Dowladda  Itoobiya ayaa ballan-qaadey wada-shaqeyn buuxda inay la yeelato Shirkadda Shiinaha gaar ahaan in ay awood u yeelato maal-galinta tamarta.
Heshiiskaas waxaa Dowladda Itoobiya u saxiixay oo wafdiga Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ka mid ah wasiirka Maaliyadda Itoobiya Axmed Shide.