Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya oo ka wada hadlaya xiisada ka taagan Beledxaawo

Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa ka wada hadlaya xiisada ka taagan Magaalada Beledxaawo ee la xiriirta xuduuda labada dal, si loo dhameeyo khilaafka jira iyo Banaanbaxyada ay dhigayaan shacabka ku nool Beledxaawo.

Xildhibaan Sadiiq Warfaa oo ka tirsan Guddiga Difaaca Baarlamanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay kulan ay la qaateen Ra’iisul Wasaare Khayre in lagu lafa guray arrimaha Baledxaawo oo Kenya xadgudub ay ku soo sameysay.

Wuxuu kaloo sheegay Xildhibaanka oo u waramay watbaahinta  in Ra’iisul Wasaaraha uu amray Wasiiradiisa arrimaha Dibbad iyo Gudaha in dhigooda Kenya ay kala hadlaan arrintan, hadana uu bilowday wada hadalka.

Wuxuu sheegay Xildhibaan Sadiiq Warfaa in arrintaan loo xil saaray guddi laba dhinac ah oo ka shaqeyn doona sidii warbixin xaqiiqo ah looga soo gudbin lahaa xiisada ka taagan Beledxaawo.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayuu Ra’iisul Wasaaraha ku amray in dhigooda ay kala hadlan xiisada ka taagan Beledxaawo, runtii Xukuumadda arrintan xil weyn ayay iska saareysaa, waana muhiim arrintan in wax badan laga qabto.” Ayuu yiri Xildhibaan Warfaa.

Senetarada Aqalka Sare oo maalin kahor kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa codsaday in si deg deg ah loogu yeero Wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya, sida Wasiirada Arrimaha Gudaha, Amniga, Difaaca & Arrimaha Dibadda.