Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka oo ballaariyay guulaha iyo faa’iidooyinka horumarineed.

Muqdisho – Maanta ayaa Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali iyo Madaxa Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Maraykanka (USAID) ee Soomaaliya, Sheri-Nouane Duncan-Jones, waxay martigeliyeen Dib-u-eegistii Hiigsiga Horumarinta ee USAID ee ugu horreyay oo lagu qabto Muqdisho. Kulankan ayaa waxaa lagu soo bandhigay guulo muhiim ah oo la gaaray sanadkii la soo dhaafay oo ay gacan ka geysatay hay’adda USAID ee dhinaca horumarinta, waxaana dib loo xaqiijiyay sida ay USAID iyo Dowladda Soomaaliya uga go’an tahay in ay horumariyaan himilooyinka horumarineed ee wadajirka ah ee Soomaaliya.

Xubnihii ugu muhiimsanaa  ee ka soo qeyb galay kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa wakiilo ka socday Wasaaradaha Maaliyadda; Beeraha iyo Waraabka; Wasaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib u heshiisiinta; Kaluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah; Xoolaha, Dhirta, iyo Daaqa; Waxbarashada, Dhaqanka, iyo Tacliinta Sare; iyo Adeegyada Caafimaadka iyo Aadanaha.

“Kulanka maanta waxa uu ka dhigan yahay guusha laga gaaray iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka, ujeeddadiisuna tahay sidii loo kobcin lahaa adkeysiga, sare looga qaadi lahaa dhaqaalaha iyo kobcinta dowladnimada. Waxaan wadaagnaa aragti horumar iyo barwaaqo, annagoo ka mideysan ujeedada xoojinta dadka iyo abuurista mustaqbal wanaagsan. Iskaashigeena – oo ku dhisan aragti wadaag –  wuxuu horseedaa isbeddel wax ku ool ah oo dhidibada u aasaya guul waarta. Waxaa naga go’an inaan dhisno Soomaaliya barwaaqo,” ayuu yiri Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga, iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali.

“Mareykanka iyo Soomaaliya waxay leeyihiin aragti wadaag ku aaddan horumar, adkeysi, iyo barwaaqo. Mareykanka wuxuu taageeraa horumarka Soomaaliya isagoo gacan ka geysanaya Qorshaha Horumarinta Qaranka ee 9aad. Go’aankeena wadajirka ah ayaa si toos ah uga jawaaba wax ka qabashada caqabadaha hortaagan Soomaaliya, awoodsiinta dadkeeda iyo dhisidda mustaqbal ifaya si wadajir ah. Waan ku faraxsannahay guulaha an gaarnay, waxaana rajeyneynaa inaan sii wadno wada shaqeynta,” ayay tiri Agaasimaha Xafiiska USAID Duncan-Jones.

Bishii Agoosto sanadka 2023, Dowladda Mareykanka iyada oo adeegsaneysa USAID, waxay ballan-qaadday $92 milyan oo gargaar horumarineed ah. Kulanka maanta ayaa lagu faahfaahiyay sida USAID iyo bahwadaagta ay u fulinayaan lacagahaas si ay Soomaaliya uga caawiyaan dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida mustaqbalka fog, kobaca dhaqaalaha, hagaajinta dowladnimada, fursadaha haweenka iyo dhalinyarada, iyo adeegyada muhiimka ah ee caafimaadka iyo waxbarashada. Taageeradani waxay ku dhisan tahay ku dhawaad ​​18 sano oo kaalmada dadka Maraykanku siinayeen Soomaaliya. Waxay muujinaysaa sida ay Dowladda Mareykanka iyo Soomaaliya uga go’an tahay wax ka qabashada caqabadaha soo wajaha Soomaaliya, oo ay ku jiraan kuwa ka dhasha colaadaha, isbeddelka cimilada, iyo xasilloonida dhaqaale.

Sanadkii la soo dhaafay – iyadoo si wada jir ah loola shaqeynayo dhiggooda Soomaaliya ee heer federaal, dowlad goboleed iyo heer deegaan – USAID waxay diiradda saartay dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, kobcinta dhaqaalaha, sare u qaadida dowladnimada, iyo awood siinta madaxda mustaqbalka ee haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed. USAID waxay suurtagelisay in in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah ay helaan waxbarasho tayo leh, awood siinta dhalinyarada Soomaaliyeed si ay u helaan shaqo, xoojinta dowladnimada iyo horumarinta xasilloonida mustaqbalka fog – hindisayaashan wadajirka ah ayaa keenaya saameyn ballaaran oo waarta. Dowladda Mareykanka iyo Soomaaliya waxay sidoo kale kordhinayaan dadaallada lagu dhisayo bulshooyin adkeysi leh oo u adkeysan kara musiibooyinka Soomaaliya ka dhaca.