Dowladaha Soomaaliya iyo Suudaan oo heshiisyo iskaashi ah kala saxiixday

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo Malmahaan booqadsho ku Jogay Dalka Suudaan ayaa heshiis iskaashi wada Saxiixdeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Suudaan Ibraahim ganduur, heshiiskan oo tilmaya horumarinta Xiriirka iskaashi ee ka dhaxeeya Dowladood ee Soomaaliya iyo Suudaan

Sido kale Wasiirka ayaa booqday Safaaradda Soomaaliya ee ku leedahay Suudaan, isagoo soo kormeeray habka ay u shaqeysa Safaardda, waxuuna halkaasi kula kulmay Diplomaasiyeenta iyo Shaqaalaha Safaaradda ka howl-gala.

Mudane Axmed Ciise Cawad oo Warbaahinta Qaranka ugu Warbixiyay heshiiska ay wada Saxiixdeen dhigiisa Suudaan ayaa yiri” Waxaa maanta heshiis iskaashi wada saxiixnay Wasiirka Arrimaha Didbadda Suudaan, heshiiskaasi oo tilmamaya in la sameeya guduyo horumariya xiriirka iskaashiga ee Soomaaliya iyo Suudaan ka dhaxeeya” ayuu yiri wasiirka Arimaha Dibadda XFS

Dhanka kale Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Xukumadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa booqday Jaamacadda Afrika oo ah Jaamacadda ugu badan ay dhigtaan Ardayda Soomaaliyeed, waxuuna Jaamacadda kula kulmay ku-xigeenka Madaxa Jaamacadda isigoo ugu mahadceliyay sida ay mar walba Maamulka Jaamacadda shacabka Soomaaliyeed ugu garab isgaataan dhanka Waxbarashada.

Kulamada uu Wasiirka la qadanyay Mas’uuliyiinta Dowladda Suudaan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socotay Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Suudaan oo uu horkacayay Siihayaha Safaaradda ahna Qunsulka Safaaradda Axmed Ibraahim Buurfuule iyo waliba Safiirka Sudan u Fadhiya Soomaaliya.