DowladaTurkiga oo canbaareysay Qaraxyadii kadhacay magaalada Muqdisho

Dowladda Turkiga ayaa si kulul u cambaareysay Qaraxyo xalay ka dhacay qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegtay in Qaraxyaddaasi ay waxyeelo  Ba’an ay kasoo gaartay dad Shacab ah.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay in dowladda Turkiga ay ka qeyb qaadan doonto sidii loo caawin lahaa dadkii ay waxyeelado kasoo gaartay Qaraxyaddaasi.

Dowladda Turkiga ayaa Alle uga barisay in dadkii ku dhintay Qaraxyaddii xalay ka dhacay Agagaarka Madaxtooyadda iyo meel u dhow Hoteelka Doorbin in uu alle geeyo Janada.

“Turkigu wuxuu sii wadayaa wadashaqeyntiisa adag ee kala dhaxeysa xukuumadda iyo dadka walaalaha ah ee Soomaaliya marka la eego weerarrada argagixisada ee lagu beegsanayo xasiloonida Soomaaliya,” ayaa lagu yiri hadal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda ee Turkiga.

Ugu danbeyn dowlada turkiga ayaa ugu baaqday shacabka in ay lashaqeyaan ciidamada amaanka ayna garab istaagaan dowladoda.