Dowladda Ciraaq Xukun Dil Ah Ku Riday Haween Ka Tirsan Kooxda Daacish

Dowladda Ciraaq ayaa dil ku xukuntay 15 Haween ah,kuwaasi oo u dhashey Dalka Turkiga,islamarkaana lagu eedeeyey in ay ka tirsanyihiin kooxda Daacish.

Maxkamad kutaala Dalkaasi Ciraaq ayaa waxay sheegtay in la cadeeyey in dumarkaasi u dhaxeen rag ka tirsan kooxdaas oo ay taakulana siiyeen. Qaarkoodna waxay gacan ka gaysteen weerarro ay qaadeen jihaad alooseyaashu.

Ciraaq ayaa goor hore waxay Dhawr Dumara oo kale oo shisheeye ah dil ku xukuntay,waxaana la sheegay in ay dhamaantoodi la shaqeynayeen argagixisada ISIS.

Intii uu socday dagaalkii Dowladda Ciraaq ay kula jirtay koxda Daacish ayaa Boqolaal dumar shisheeye ah,kuwaasi oo haatan bilaabatay maxakamadayntooda.

Balse dhinaca kale Ururada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa dhaleeceeyey xukunnadaa ku dhacay haweenkaas iyo sidoo kale hanaanka garsoor ee la mariyey oo waxay ku tilmaameen mid aan caddaalad ahayn.

Dalka Ciraaq ayaa kamid ah wadamada Carabta oo ay ka jireen dagaalada sokeeye,tan iyo markii ay dhacday Dowladdii uu hoggaaminayay Sadaam Xuseen.