Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku qabatay Kulanka Guddiga Hagidda Heerka Sare ee Sanduuqa Xasillinta Soomaaliya (SSF III), kaas oo diiradda lagu saaray dib-u-eegista horumarka la gaaray iyo qorshaha shaqo ee sanadka 4-aad ee barnaamijka Sanduuqa Xasillinta Soomaaliya.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyay heerka ay marayaan mashaariicda xasillinta, dowlad-dhiska iyo horumarinta dowladaha hoose ee dalka, iyadoo si gaar ah loo eegay natiijooyinka laga gaaray wejiyada kala duwan ee barnaamijka SSF III iyo caqabadaha weli taagan ee u baahan in wax laga qabto.
Waxaa kulanka ka qeyb galay masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka, Maamulka Gobolka Banaadir, Sanduuqa Xasillinta Soomaaliya (SSF) iyo wakiillo ka socday saaxiibbada caalamiga ah ee taageera dadaallada xasillinta, dowlad-dhiska iyo horumarinta dowladaha hoose.
Mas’uuliyiinta kulanka ka qeyb galay ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay sii wadidda iskaashiga iyo isku-duwidda dadaallada xasillinta, si loo dardargeliyo adeegyada dowladaha hoose, loona xoojiyo kalsoonida bulshada iyo hay’adaha dowladda.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in Sanduuqa Xasillinta Soomaaliya uu door muhiim ah ka ciyaaro taageeridda dadaallada nabadeynta, dib-u-heshiisiinta iyo xoojinta maamul-daadejinta, taas oo saldhig u ah dowlad-dhisidda iyo horumar waara oo dalka ka hanaqaada.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay sii xoojinayso dadaallada lagu dardargelinayo xasillinta, wada shaqeynta hay’adaha dowladda iyo horumarinta adeegyada dowladaha hoose ee dalka.