Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u shaacisay mowqifkeeda ku aaddan tallaabo kasta oo lagu sheeganayo aqoonsiga Somaliland, iyadoo ku tilmaantay mid sharci-darro ah oo ka hor imaanaysa Dastuurka Soomaaliya, Axdiga Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika.
Warmurtiyeedka ayaa lagu caddeeyay in Somaliland ay tahay qayb aan ka go’i karin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, isla markaana arrimaha la xiriira midnimada iyo mustaqbalka dalka ay go’aan ka gaari karaan oo keliya shacabka Soomaaliyeed, si sharci iyo nabad ah.
Dowladdu waxay ugu baaqday beesha caalamka inay ixtiraamto madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo mar kale muujisay taageeradeeda xuquuqda shacabka Falastiin iyo ka shaqeynta nabadda iyo xasilloonida gobolka.
