Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Ka Hadashay Wararka Ku Saabsan Saldhig Milatari oo Israa’iil Ka Sameysaneyso Somaliland

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga digtay in dhulkeeda aan loo adeegsan karin meel laga qaado howl-gallo milateri ama loollan u dhexeeya dalal shisheeye. Hadalkan ayaa yimid kadib markii warbixino warbaahineed ay sheegeen in Israa’iil ay qorsheyneyso inay saldhig milatari ka sameysato gobolka Somaliland, oo ah gobol ku yaalla waqooyiga Soomaaliya isla markaana sheegta inuu ka go’ay Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar, oo la hadlay telefishinka Al Jazeera, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si cad u diidan tahay qorshe kasta oo horseedi kara in dhulka dalka loo adeegsado hawlo milatari oo khatar gelin kara amniga gobolka. Wuxuu xusay in Soomaaliya ay mudnaanta siinayso nabad, xasillooni iyo iskaashi dhexmara dalalka gobolka iyo caalamka.

Wasiirku wuxuu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladdu ay ka shaqeyneyso ilaalinta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, isla markaana aysan aqbali doonin wax tallaabo ah oo wax u dhimaya arrimahaas. Wuxuu ugu baaqay dhammaan dhinacyada ay arrintani khusayso inay ixtiraamaan shuruucda caalamiga ah iyo madax-bannaanida Soomaaliya.

Dhanka kale, wararka sheegaya in Israa’iil ay saldhig milatari ka sameysan karto Somaliland ayaa dhalisay dood iyo falcelin kala duwan oo ka timid siyaasiyiinta, falanqeeyayaasha iyo shacabka Soomaaliyeed. Qaar ka mid ah falanqeeyayaasha ayaa sheegaya in arrintan ay keeni karto xiisad siyaasadeed iyo mid amni oo ka dhalata gobolka Geeska Afrika, halka qaar kalena ay u arkaan warar aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii ku celisay in ay diyaar u tahay wadahadal iyo iskaashi caalami ah, balse aysan oggolaan doonin in dhulkeeda loo adeegsado meel laga fuliyo danaha militari ee dalal kale.