Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Si Rasmi Ah U Dhaqangalisay Dastuurka Cusub

Dowladda Federaalka Somalia ayaa maanta si rasmi ah u dhaqangalisay Dastuurka cusub ee dalka, kadib munaasabad ka dhacday Xarunta Guddoonka iyo Guddiyada ee Villa Hargeysa, halkaas oo lagu dhaariyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Cabdifitaax Qaasim Maxamuud. Dhaarinta wasiirka cusub ayaa noqotay tallaabadii ugu horreysay ee si rasmi ah loogu fuliyo qodobbada Dastuurka cusub, taas oo si cad u muujinaysa in hay’adaha dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilaabeen ku dhaqanka iyo hirgelinta dastuurka la ansixiyay.

Kulanka lagu dhaarinayay wasiirka cusub ayaa ahaa kulan ay yeesheen Guddiga Joogtada ah ee Golaha Shacabka BJFS, waxaana shir guddoominaysay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka, Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar. Munaasabadda ayaa yeelatay muhiimad qaran oo weyn, maadaama ay ahayd dhacdo si rasmi ah ugu xiran hirgelinta dastuurka cusub ee dalka, kaas oo muddo dheer ay dowladdu ku howlaneyd dhameystirkiisa iyo meelmarintiisa.

Wasiirka cusub waxaa dhaariyay Cabdiqafaar Xuseen Isaaq oo ka socday Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, isagoo wakiil ka ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka. Dhaarinta ayaa loo maray si waafaqsan qodobka 123-aad ee Dastuurka cusub, kaas oo qeexaya habraaca iyo nidaamka loo marayo dhaarinta masuuliyiinta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhaqangalka Dastuurka cusub ayaa loo arkaa guul weyn oo u soo hoyatay dowladnimada Soomaaliya, maadaama dastuurku yahay saldhigga ugu muhiimsan ee hagaya sharciyada dalka, kala dambeynta hay’adaha dowladda iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta. Waxa uu sidoo kale muhiim u yahay xoojinta nidaamka dimuqraadiyadda, horumarinta dowlad wanaagga iyo dhismaha hay’ado dowladeed oo si hufan u shaqeeya.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno ka tirsan Baarlamaanka ayaa sheegay in hirgelinta dastuurka cusub ay fure u tahay dhammeystirka geeddi-socodka dowlad-dhiska dalka, isla markaana ay horseedi doonto nidaam dowladeed oo ku dhisan sharci, isla xisaabtan iyo daahfurnaan. Waxay sidoo kale tilmaameen in dastuurku uu xoojin doono midnimada dalka iyo wada shaqeynta hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Munaasabadda dhaarinta wasiirka cusub ayaa sidoo kale muujisay wada shaqeynta dhow ee ka dhexeysa Golaha Shacabka, Xukuumadda iyo Garsoorka, kuwaas oo dhammaantood door muhiim ah ku leh hirgelinta dastuurka cusub iyo adkeynta dowladnimada Soomaaliya. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid taariikhi ah oo ka tarjumeysa horumarka siyaasadeed iyo dadaallada lagu dhisayo dowlad casri ah oo ku shaqeysa nidaam sharciyeed dhammeystiran.