Dowladda Galmudug oo Dhuusamareeb ku Soo Dhaweeysay Wafdi Sare oo Ka Socday WFP

Magaalada Dhuusamareeb, caasimadda Dowladda Galmudug, ayaa maanta waxaa soo gaaray wafdi ka socday Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.
Wafdigan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Galmudug, kuwaas oo uu hoggaaminayay Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka. Sidoo kale waxaa ka mid ahaa Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Galmudug, Mudane Cali Daahir Ciid, ayaa wafdiga ku qaabilay Madaxtooyada Dowladda Galmudug, isagoo si diirran ugu soo dhaweeyay guud ahaan Galmudug, gaar ahaan caasimadda Dhuusamareeb.
Intii uu socday booqashada, wafdiga ka socday WFP oo ay ka mid ahaayeen masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dowladda Galmudug ayaa sidoo kale kormeer ku tagay Iskuulka Daryeel, oo ka mid ah dugsiyada ku yaalla caasimadda Dhuusamareeb.