Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay diyaarinayso Kolonyo ay la socdaan ciidamo, kuwaasoo ilaalin doona Ammaanka Gaadiidka ay saarnanyihiin dadka ee Isticmaala gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Waxaa ay sheegtay in tani looga hortaggi doono waxyeeladda dadka Shacabka ah kasoo gaarta Weerarada Al-Shabaab ay ku qaadayaan gobolka Waqooyi Bari.
Taliyaha ciidamada Booliska gobolka Waqooyi Bari ayaa u sheegay Wargeys kasoo baxa dalka Kenya in ay Adkeyn doonaan Ammaanka dadka Shacabka ah ee Isticmaala Wadooyinka.
Waxaa uu sidoo kale xusay in Madaxweynaha Kenya uu Amar ku bixiyay in laga hortaggo Weerarada Al-Shabaab ee ka dhaca gobolka, islamarkaana lala socdo dhaqdhaqaaqa Gaadiidka soo galaya iyo kuwa ka baxaya.
Al-Shabaab ayaa dalka Kenya Weeraro ku qaadayay tan iyo sanadkii 2011 kii Mar kasoo ciidanka dowladda Kenya ay gudaha usoo galeen Soomaaliya.