Dowladda Nigeria oo sheegtay in ay Wadaxaajood Lageleyso Boko Haram Si loosiidaayo 110 Gabdhood oo ay Afduubten

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay in ay wadahadal la furto Ururka Boko Haram oo aftuubtay 110 Gabdhood kaddib weerar ay ku qaadeen Dugsi Gabdhaha ay wax ku bartaan oo ku yaalla Magaalada Dapchi ee Waqooyiga dalkaasi.

Afhayeen u hadlay Madaxtooyada Nigeria ayaa sheegay in dowladda aysan xoog iyo milatari adeegsan doonin si ay gabadha u soo bad baadiso beddelkeedana ay diyaar u tahay in ay wadahadal ku siideyso haddiiba ay aqbasho Boko Haram.

Afduubka dhacay Bishii la soo dhaafay waxaa uu yahay midka labaad ee ugu weyn taariikhda gabdhaha ay afduubtaan Boko Haram,iyada oo Sanadkii 2014kii ay Boko Haram Magaalada Chibok ka afduubteen 270 Gabdhood.

Dagaalka Dowladda Nigeria iyo Boko Haram oo billowday Sanadkii 2009kii,waxaa ilaa hadda ku dhintay  20,000 oo qof,iyada oo ay malaayiin kalena ku barakacaan.