Dowladda oo dhinaca amniga ku biirineysa Culimada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed, si ay uga qeyb qaataan ka hortaga falalka xagjirnimada, bulshadana uga wacyi geliyaan.
Kulanka oo qaatay saacad iyo wax ka badan ayaa waxaa si aad ah loogaga hadlay doorka ay culimada ka qaadan karto falalka al xiriira xajirnimada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa culimada uga warbixiyay xogta dowladda iyo waxyaabihii u qabsoomay bilihii la soo dhaafay, iyada oo intaasi kadib culimada ay dhankooda Ra’iisul Wasaaraha siiyeen talooyin la xiriiray dhanka Xajka iyo amniga.

“Waxaan yeelanay kulan muhiim ah, Ra’iisul Wasaaraha talooyinkii aan u gudbinay wuxuu inoo sheegay in wax laga qabanayo, wuuna naga qanciyay, dowladdu waxay heysaa shaqo badan, annagana wixii karaankeena ah waan ku biirin doonaa.” Ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis oo ka mid ah culimada la kulantay R.W Khayre.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay qorshayaasha amniga ay ku sugeyso ku biirisay sidii xoogga loo saari lahaa fikradaha la xiriira arrimaha xagjirnimada iyo qatarta ay geysan karaan dhalinyarada is qarxisa ee ka tirsan Al Shabaab