Dowladda oo gargaar u dirtay Puntland Xili khilaaf Jiro..

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka oo ka jawaabaysa baahiyaha bani’aadannimo ee dalka, xoojineysana dadaallada xasilinta ayaa gargaar loogu tala-galay dadka abaaraha iyo calaaduhu saameeyeen u dirtay degaannada Dowlad Gobolleedka Puntland.
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA, Md. Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa deeqdaan raashinka ah oo loo qorsheeyay in la gaarsiiyo Saddex kun (3,000) oo qoys ku wareejiyay Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Jaamac (Jigaato) oo laga soo doorto Puntland.
Guddoomiyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa xusay in si loo yareeyo saameynta taban ee ka dhasha abaaraha iyo colaadaha ay hay’addu adeegsan doonto bad, barri iyo cir-ba, si gargaarka loo gaarsiiyo goobaha la xoreeyay iyo degaannada colaaduhu saameeyeen.
Xildhibaan Jigaato ayaa dhankiisa Hay’adda SoDMA uga mahad-celiyay gargaarkaan oo socdaal dhulka ah ku gaari doona degaanno ka tirsan Puntaland.
Hay’adda SoDMA horay ayey gargaar ugu dirtay degaanno ka tirsan Puntland, todobaad ka hor ayay ahayd markii dowladda Imaaraaka ay magaalada Boosaaso ka dajisay 200 oo tan oo raashin ah.