Dowladda oo ka hadashay shirka dowlad goboleedyada

Wasiirka warfaafinta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta faah faahin ka siiyay shirkii magaalada Asmara ay ku yeesheen wadamada Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ayaa sheegay Soomaaliya mudooyinkii ugu dambeeyay inay ku hawlaneyd inay soo ceshato kaalintii ay ku laheyd dunida.

Wuxuu sheegay arrimahan inay ka dambeeyeen dadaaladii isdaba jooga ahaa iyo safaradii madaxda ay ku tageen dalalka dibadda oo ay ugu dambeysay safarkii Madaxweynaha Soomaaliya uu ku tagay dalka Shiinaha.

Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayuu sheegay inay ka wada hadleen xaalada gobolka oo ay ugu horeeyaan iskaashiga dhaqaale, amniga, siyaasadda iyo nabadda.

Wasiir Daahir Geelle ayaa wuxuu sheegay Wasiirada arrimaha dibadda dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea inay tageen inay dalka Jabuuti u tageen sidii loo dhameyn lahaa khilaafka ka dhaxeeya wadamada Eritrea iyo Jabuuti, kaasi oo soo bilawday safarkii hore ee Madaxweynaha uu ku tagay magaalada Asmara.

“Waxaan ugu guuleysan karnaa heshiisyada Jabuuti iyo Eritrea innaga oo xiriir dhaw la leh labada dal, waxaan kaloo kaashaneynaa dowladda Itoobiya, kalsooni weyn ayay ku qabtaa dowladda sidii ay arrintan ugu guuleysan laheyd”. Ayuu yiri Wasiirka warfaafinta.

Daahir Maxamuud Geelle oo wax laga weydiiyay shirka Kismaayo uga socda madaxda dowlad goboleedyada ayaa wuxuu sheegay in dowladda ay soo dhaweyneyso shirkaasi, islamarkaana shirkaasi uu ka dambeyn doono shirar kale.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kadib markii ay magaalada Asmara uga qeyb galeen shir Saddex geesood ah oo u dhaxeeyay Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya.