Dowladda oo Kahadashay Qaraxyadii ka dhacay Muqdisho

Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hadashay weerarkii iyo Qaraxyadii shalay Al-Shabaab  ay ku qaadeen Agagaarka Madaxtooyadda Soomaaliya.

War kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya, ay si xoog leh u cambaaraynayso weerarkaasi.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daahir Maxamuud Geelle, ayaa sheegay in Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ay ka hortaggeen Weerarkaasi.

“Ciidamada Amniga Qaranka, waxay ku ammaanan yihiin sidii ay uga hortageen weerarka, oo ka koobnaa mid toos ah iyo laba qarax” ayuu yiri Wasiir Daahir.

Wasiirku, wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay xil weyn iska saarayso daweynta dadka rayidka ah iyo ciidamada ku dhaawacmay, iyadoo uu tacsi u diray dhamaan intii ku geeriyootay.

Al-Shabaab ayaa Laba Qarax iyo Weerar toos ah shalay ku  qaaday Barkontorool oo ay ku sugnaayeen Ciidamada Ilaaladda Madaxtooyadda oo ku taalla Waddada gasha madaxtooyada ee ka timaada Isgoyska Ceel Gaabta.