Dowladda Oo Kahadshay Qaabka Lagu Bixin Doono Viisaha Xajka

Wasaaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in sanadkaan viisaha xajka lagu bixin doono qaab electronic ah halkii sanadihii hore dalka didibadiisa loo qaadi jiray.

Wasiirka Wasaaaradda Diinta iyo Awqaafta Soomaaliya Sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa sheegay in xafiiska Wasaarada lagu daabici doono viisaha taasi oo uu sheegay ineey dabooli doonto in dalka dibadiisa loo qaado baasabroorada xujeyda soomaaliyeed.

Wasiir Sheekh Nuur ayaa ayaa sheegay in sanadkaan arimaha xajka dowlada ay aad uga shaqeysay isla markaana waxbadan kaga duwanyahay sanadihii hore, Wasiirka diinta iyo Awqaafta wuxuu kaloo sheegay in la mideeyay qiimaha xujeeyda Soomaaliyeed ku soo xajin doonaan.

Wasiirka Wasaaaradda Diinta iyo Awqaafta sheekh Nuur Maxamed Xasan ayaa ugu danbeyn sheegay ka warqabka xaalada xaajiga ay wasaarada isku xil saartay isla markaana wax badan laga qaban doona adeegyada aas aasiga ah Xaajiga.

Hoos ka Dhageyso Codka Wasiirka Wasaaaradda diinta iyo Awqaafta Soomaliya