Dowladda oo qorsheynaysa in ammaanka Muqdisho lagu wareejiyo ciidamo Millitari ah

Dowladda Federalka Soomaaliya ayaa wado qorshe ku aadan xaqiijinta ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo markaan la sameynaayo isbedel dhanka ciidanka ah.

Saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka ayaa xaqiijiyay qorshaha socda inuu yahay in ammaanka Magaalada lagu wareejiyo ciidamo Militari ah oo loo sameynaayo talis gaar ah si loo adkeeyo ammaanka Magaalada.

Intii badneyd ciidanka xasilinta ayaa laga qaaday wadooyinka Magaalada Muqdisho waxaana la isugu geeyay xarunta Xisbiga ee Degmada Warta Nabadda.

Kulan xalay ka dhacay madaxtooyadda Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimaha ammaanka iyo sida lagu diyaarin karo istaraatiijiyada cusub ee suggidda ammaanka Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in ay u badan tahay ammaanka Magaalada in loo dhiibo Saraakiil quburo ah oo ka tirsan Militariga Soomaaliya si loo yareeyo culeyska amni ee ka jira Magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa laamaha amniga ku canaantay inay keenaan istaraatiijiyad cad oo ku aadan hanaanka suggids ammaanka Muqdisho.

Qorshaha ugu wayn ee suggida ammaanka Muqdisho ayaa noqday dhagxaan iyo caro wadooyinka jidcadyaasha ah lagu wada jaray, inkastoo hadda uu socdo qorshaha dib u eegista ammaanka Magaalada.

Al Shabaab ayaa Bishan gudaheeda laba todobaad oo isxigay weeraro toos ah iyo isqarxin ku kala qaaday Xarumaha ay degan yihiin Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga iyo sidoo kale xayndaabka Madaxtooyadda Somaliya, xilli wadooyinka caasimadda ay xirnaayeen, inkastoo hadda la furay.