Dowladda oo Shaacisay in ay diyaarisay Basas lagu qaadi doono Shacabka Muqdisho

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay diyaarisay Basas waa weyn oo loogu tala galay in lagu qaado Shacabka Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Muqdisho inta ay xiran yihiin Wadooyinka.

Dowladda ayaa waxa ay sheegtay in la xiri doono Wadooyinka Muqdisho 1- da Luulyo sidaasi darteed si aan loo dhibaateyn Shacabka in la diyaariyay Basas waa weyn oo lacag la’aan ah.

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Mudane Daahir  Maxamuud Geele ayaa sheegay in qorshahaan loogu tala galay in Shacabka loogu danaayo.

Wasiirka Warfaafinta sidoo kalena ah Gudoomiyaha Guddiga qabanqaabadda maalmaha xoriyadda, waxaa uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka doonayaan in ay dulqaataan in ay xiran yihiin Wadooyinka.

Waa markii ugu horreysay oo dowladda Soomaaliya ay keento qorshe Shacabka ay ku raacayaan basaska marka la xiro Wadooyinka.