Ciidamada sidda gaarka ah u tababar eeĀ Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Dhismayeyaasha ku dhegan Hoteelka Makah Al-Mukaramah ee magaalada Muqdisho oo tan iyo xalay ay ka dhex dagaalamayeen rag ka tirsan Al-shabaab.
Wararka waxa ay sheegayaan in ciidamada goor dhaweyd ay u suuragashay in ay gudaha dhismaha Shideeye galaan, islamarkaana ay toogtaan raggii hubaysnaa eeĀ ka dhex dagaalamaayay.
Howlgalkaan oo qaatay Saacaddo badan ayaa sababay in ugu dambeyntii Ciidanka dowladda ay dumiyaan guud ahaan dhismaha ay ku jireen Kooxda Hubeysan.
Hubin ayaa socoto, Rasaas hadda soo dhaceyso ma jirto, Gaadiidkii Gurmadka, Ciidamadii Amniga, Kooxdii Nadaafadda iyo Dab damisyadii Dowladda Hoose ee Xamar ayaa Goobta Heegan ku ah.
Laamaha ammaanka dowladda ayaa la filayaa in ay faah-faahin dheeri ah ka bixiyaan sida howlgalka lagu soo gaba gabeeyay.