Dowladda oo war ka soo saartay tiro Madaafiicdii ku dhacday Wadajir

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Madaafiicda ahaa ee ka dhacay degmada Wadajir 1-da Luulyo 2018, Dowladda Federaalka ayaa  tacsi tiiraanyo leh dirtay Qoysaska dadkii noloshooda ku waayay weerarka, iyadoona u rajeysay kuwa ku dhaawacmay in si deg deg ah Alle u bogsiiyo.

Madaafiicdka ku dhacday degmada Wadajir oo tiro ahaan lagu qiyaasay ilaa Lix xabo ayaa waxaa ku geeriyooday Afar qof, halka ay ku dhaawacmeen Sideed qof oo kale oo ay ku jiraan caruur dhiganeysay Dugsi Qur’aan.

Ciidamada amaanka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM ayay dowladdu ku ammaanatay sida deg deg ah ee ay uga jawaabeen dhacdadan, maadaama ay tageen goobihii loo maleynayay in laga soo tuuray Madaafiicda.

Warka ka soo baxay Dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay iney ka xun yihiin in weerarkan foosha xun iyo fuleynimada ah ku soo beegmay maalinta xornimada Soomaaliya, maalin ay farxad iyo damaashaad uu ku jiray Qaranka iyo dadka intaba.

Ugu dambeyntii Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxa ay ku celisay in falalka argagixisanimo aysan Soomaaliya ka saari doonin waddada nabadda iyo dhismaha dawlad-goboleedyada, waxayna ku nuux nuuxsatay sida ay uga go’an tahay inay dhisto mustaqbal ammaan oo barwaaqo leh