Dowladda oo war kasoo saartay Faragalinta itoobiya.

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdiraxmaan Yuusuf Alcaddaala ayaa sheegay in ay cambaareynayaan ficilada gurracan ee ay waddo Itoobiya, kuwaasi oo ka hor imaanaya Midnimada iyo Madaxbannaanida dalka.

“Itoobiya waxaa ay Maleeshiyaad sharci darro ah u soo galisay gudaha dalka, deegaanno ka tirsan gobolada Puntland iyo Galmudug, si ay colaad u huriyaaan” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukumadda Federaalka Soomaaliya.

Isaga oo sii hadlaya waxaa uu yiri “Mar kale ayay Itoobiya laba diyaaradood oo ay leedahay shirkadda Ethopian Airline ay uga dajisay magaalada Kismaayo, kuwaasi oo waday Hub sharci darro ah, sidoo kale diyaaradahaasi waxaa ay hore ugu sii qaaday shaqsiyaad Soomaali ah oo uu kamid yahay Maxamuud Sayid Aadan, Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland, iyada oo dooneysa in ay u kaashato abaabulka duulaanka”

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in dowladda qaadi doonto tillaabo kasta oo ay ku xaqiijineyso Amniga dalka, isla markaasna ay uga hortageyso duulaanka Itoobiya.