Dowladda Shiinaha oo Gaadiid dagaal ku wareejisay Dowladda Somalia

Dowladda Shiinaha ayaa gaadiid dagaal iyo agab ciidan ugu deeqday dowladda Soomaaliya, iyada oo ku wareejisay Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya.

Gaadiidkaan ayaa loogu talo galay inay ku Shaqeeyaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira Urirka Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in Gaadiidka ay sigaar ah ugu Shaqeyn doonaan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, isla markaana Dowladda shiinaha & Soomaaliya uu ka dhaxeeya xiriir qoto-dheer, isaga oo kaga mahadceliyay garab istaaga ay u sameeyeen Ciidanka xoogga.

Taliyaha Cidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage oo ka hadlay Munaasabadda wareejinta Gaadiidka ayaa sheegay in Dowladda Shiinaha Gaadiidka dagaal oo ay ugu deeqday ciidanka xoogga dalka uu qeyb weyn ka qaadanayo la dagaalanka Al-Sabaab.

Sidoo kale wuxuu sheegay in Gaadiidkaan loo keenay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed waqti loo baahnaa, sidoo kalena ay jiri doonaan Gaadiidka kale oo dowladda Shiinaha kusoo wareejin doonto Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Dhowr jeer oo hore ayaa Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed dowladaha taageera Soomaaliya waxaa ay ku wareejiyeen Gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan, balse Ciidamada aysan weli ku guuleysan inay la wareegaan meelo badan oo ay maamulaan Al-Shabaab.