Dowladda somaaliya oo ku dhawaaqday Holwgal culus

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay laga bilaabo caawa in magaalada Muqdisho laga fulinayo Howlgallo joogto ah, oo lagu xaqiijinayo ammaanka, sidoo kalena looga hortagayo weerarada Shabaab.

Howlgalladan oo ka dambeeyay kadib weerarkii Shabaab ee Jimcihii ina dhaaftay ay ka geysteen Muqdisho ayaa waxaa fulinaya qeybaha kala duwan ee Ciidamada oo ay ugu horeeyaan kuwa Booliska iyo Nabad Sugidda.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed General Bashiir Cabdi Maxamed oo hadal kooban kja jeediyay kulan Ra’iisul Wasaaraha galabta uu la qaatay Taliyeyaasha Ciidamada ayaa sheegay sugidda amniga in ay muqadas tahay, wixii caawa ka dambeeyana magaalada lada dareemi doono.

“Howlgalka waxaa fulinaya Ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban Booliska, Nabad Sugidda iyo kuwa Asluubta, Habeen walba Ciidamada ayaa ku duulaya amniga sugitaankiisa, waa muqadas inaan u adeegno shacabka Soomaaliyeed.” Ayuu yiri Taliye Bashiir.

Dhanka kale Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow (Ducaalle) ayaa Ciidamada Millitariga Soomaaliya ee ka imaanaya Shabeelooyinka uga digay in ay Hubka waa weyn la soo galaan gudaha magaalada, sida Daba-jeexa iyo Qoriga Dhashiikaha.

“Waxaan rabnaa Millitariga labada Shabeelle marka ay soo galayaan magaalada Muqdisho in magaalada aan lagu wadan doonin Hubka waa weyn sida Daba-jeexa, Cabdi Bilaha iyo Qoryaha kale ee waa weyn.” Ayuu yiri Wasiirka Amniga.

17-kii May 2017-kii Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa xadiday Hubka masuuliyiinta Dowladda Federaalka ay ku dhex wadan karaan Magaalada, waxayna sheegeen inaan la qaadan karin Qori ka weyn AK-47, lana wadan karin ilaalo ka badan Afar Askari, taasi oo u muuqata in weli aysan dhaqan galin.