Dowladda Somaaliya oo kulan ka yeelanaysa Xaaladda F atahaada Ee Baledweyne

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu waddaa in ay maanta kulan deg deg ah ka yeelato Xaaladda ka taagan Magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan.

Waxaa lagu waddaa in kulan uu shir guddoomin doono Ra’iisul Wasaare Kheyre in uu ka dhaco Magaalada Muqdisho, waxaana kulankaasi ka qeyb gali doono Hay’addaha Gargaarka.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dadaaleysa sidii gargaar loo gaarsiin lahaa dadka ku dhibaateysan Magaalada Baledweyne.

Magaalada Baledweyne ayaa waxaa ka taagan Xaalad adag ka dib markii daadad xooggan ay ku dhufteen.