Dowladda Somaaliya oo mar kale ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan DP World

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayaan dhaq dhaqaaqyadii ay Dowladdu ku difaacaysay damaca shirkadda DP-world ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Dubai ee Dalka isu tagga Imaaraad-ka Carabta.

Muqtaar oo la hadlay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay inay howluhu yihiin kuwo siyaasasadeed balse uusan ka hor dhacayn, isagoo xusay mar kale inaysan marnaba ka gor-gortamayn midnimada iyo wada jirka Soomaaliyeed oo uu yahay lama taabtaan.

“Markii ugu horreysay ee ay arrintani soo baxday wuxuu Wasiirka Wasaaradda aaday Qaahira, Jaamacatul Carab ayuu qudbad ka jeediyay fekerka Soomaaliya iyo mabaadii’da Soomaaliyana ayadoo qoraal ah ayuu u gudbiyay arrintaasi way socotaa Dublomaasiyad weeye kama hordhacayo laakiin arrinta Soomaaliya waa lama taabtaan” Ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Wuxuu sheegay Wasiirku inay Diblomaasiyaddu tahay siyaasad iyo deggenaasho, balse aysan adeegsan doonin laab la kacnimo, taas dhiggeeda ay adeegsan doonaan deggenaasho iyo ka fiirsasho, wuxuuna ku cel-celiyay inaysan Soomaaliya marna taako ka mid ah Dhulkeeda ay ka tagayn, Dowladdana ay howshaasi waddo