Dowladda Somaaliya oo sheegtay in shuruudo lagu xiray soo daabicista lacagta cusub

Wasaaradda maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa wax ay sheegtay in culeyso badan ay ka taagan tahay soo daabicista lacagta cusub ee Shilling Soomaaliga.

Wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaalle Bayle ayaa sheegay markii hore dowladda in lagu xiray shuruudo badan oo ku saabsan soo daabicista lacagtan cusub, taasi oo keentay in dowladda xilligan ay caqabad wajahdo.

C/raxmaan Bayle ayaa qiray dhammaanba shuruudihii lagu xiray dowladda inay ka gudubtay balse ay harsan yihiin kuwa kale oo ku xayiran soo daabicista lacagtan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirta sidii loo heli lahaa lacag cusub oo Shillinga Soomaaliga, taasi oo hadii la soo daabaco wax badan ka bedeleysa dhaqaalaha dalka.