Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa Maanta gaaray Wafdi xildhibaano ah oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.
Xildhibaanadan ka tirsan Golaha Shacabka ee gaaray Baydhabo ayaa deeq Daawo ah gaarsiiyay Cisbitaaladda ku yaalla Magaaladaasi,si loogu daaweyo dadkii Shalay ku dhawacmay qaraxii ka dhacay Baydhabo.
Isbitaallada ku yaala gudaha Magaalada Baydhabo ayaa waxaa shalay la gaarsiiyay dadkii ku dhaawacmay labo qarax xoogan,kuwaasi oo lagu weeraray Maqaaxi oo ay fadhigeen Dad Shacab ,isla markaana waxyeelo ay kasoo gaartay Qaraxyadaasi.