C/raxamaan Xuseen Wardheere oo Alshabaab ay ugu yeeri jireen Bilaal, ayaa maanta warbaahinta Qaranka u sheegay in uu ka baxay Alshabaab oo sida uu sheegay muddo 12 sano uu kamid ahaa.
Waxa uu dowladda Soomaaliya ugu mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay, waxaana uu ka sheekeeyay siddii uu uga soo baxay Alshabaab oo uu mudo ka tirsanaa.
“waxaan ka xumahay dhiabatadii Alshabaab u geysteen shacabka Soomaaliyeed muddadii aan kamid ahaa waana ka qoomameynayaa, aad ayaana uga xumahay dhibaatadaasi,waxaan cafis weydiistay shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri C/raxamaan Xuseen Wardheere.
Cafiska Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu u fididyey Alshabaab ayaa u suurtagelisay C/raxamaan Xuseen Wardheere Bilal iyo inta lamidka ah ee go’aansatay ka bixitaanka Alshabaab.