Dowladda Somalia Oo Sheegtay In Uu Isku-Soo Dhiibay Sarkaal Ka Tirsanaa Al-Shabaab

C/raxamaan Xuseen Wardheere oo Alshabaab ay ugu yeeri jireen Bilaal, ayaa maanta warbaahinta Qaranka u sheegay in uu ka baxay Alshabaab oo sida uu sheegay muddo 12 sano uu kamid ahaa.

Waxa uu  dowladda Soomaaliya ugu mahadceliyay sida loo soo dhaweeyay, waxaana uu ka sheekeeyay siddii uu uga soo baxay  Alshabaab oo uu mudo ka tirsanaa.

“waxaan ka xumahay dhiabatadii  Alshabaab u geysteen shacabka Soomaaliyeed muddadii aan kamid ahaa waana  ka qoomameynayaa, aad ayaana uga  xumahay dhibaatadaasi,waxaan cafis weydiistay shacabka Soomaaliyeed ayuu yiri C/raxamaan Xuseen Wardheere.

C/raxamaan Xuseen Wardheere Bilal, ayaa sheegay in farqi weyn uusan u dhexeynin Alshabaab iyo daacish, hase yeeshee waxaa ay isku hayaan ay tahay xukun iyo maamul.

Cafiska Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo uu u fididyey Alshabaab ayaa u suurtagelisay C/raxamaan Xuseen Wardheere Bilal iyo inta lamidka ah ee go’aansatay ka bixitaanka Alshabaab.