Dowladda Soomaalia ayaa wadda Dadaalo ay dooneyso in ay dalka dib ugu soo celineyso ciidamadii Soomaaliyeed oo tababarka ugu maqan dalka Eritrea.
Guud ahaan Ciidamadii Soomaaliyeed ee lagu tababarayey Dalkaasi ayaa tiro ahaan waxa ay gaarayeen Shan kun oo askari, Ciidamadan ayaa Bishii December ee 2022 ayaa Dalka dib loogu soo celiyey Saddex kun oo Askari kadib markii uu dalkaasi uu booqasho ku tagay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Ciidamadaan lagu tababarayey Erataria ayaa ka koobnaa qeybaha kala duwan Ciidamada, Ciidamada Xooga ee Dhulka, Ciidamada Badda, Nabad sugid iyo qeybo kale.
Xogaha ay heshay Warbaahin Soomaaliyaa ayaa tibaaxaya in Dalka ay kusugan yihiin Ciidamadaan ay kal hore gaateen Saraakiil ciidan kuwaasi oo qorsheyna si loo guda gali lahaay qorshaha dib dalka loogu soo celinayo waxa ayna gaareen masuuliyiintaasi Xeryaha ay ciidamadaan ku jiraan.
Mudo xileedkii Madaxweyne Maxa.ed C/laahi Farmaajo oo Ciidamadaan loo qaaday Eritaria sanadkii 2019 sil halkaasi loogu soo tababaro, ayaan wax war ah laga helin mudo dheer taasi oo ay keentay in Ehelada iyo Waalidiinta Askartaan ka hadlaan, ayaga oo ka dalbaday Dowladii Madaxweyne Farmaajo in ay cadeyso Ciidamadaan iyo Dalka lagu tababarayo, Balse Dhammaadkii Sanadkii 2022 ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh oo Erateria booqday ayaa gaaray Xeryaha lagu tababarayey waxaana Xiligaasi suura gashay in Dalka dib loogu soo celiyo kudhawaad Seddex kun oo Askari.
Dowlada Soomaaliya ayaa quudareyneysa Xiligaan Ciidamo Soomaaliyeed oo qeyb ka noqda Dagaalka ay kula jirto Kooxda Alshabaab, Ciidamada Xooga iyo kuwa Dadka Deegaanka ee Macawisleeyda ayaa gaaray guulo la taaban karo kadib markii ay kala wareegeen Alshabaab Deegaano iyo Degmooyin ay kooxdu mudo ka talineysay.