Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay mudo 32 sano ah kadib ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Global Payment Week 2023 ( GPW) oo ka dhacaya Dalka Marocco.

Bankiga dhexe ee dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay mudo 32 sano ah kadib ka qeyb galay shirka sanadlaha ah ee Global Payment Week 2023 ( GPW) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Marrakesh ee dalka Morocco.

Shirkan ayaa waxa soo qaban qaabiyey Bankiga Aduunka waxaana ka soo qeyb galay Bankiyada dhexe ee Aduunka iyadoo lagu soo bandhigayo teknologiyada cusub ee Hanaanka Lacag Bixinta aduunka.

Soomaaliya oo ku guuleysatay hirgelinta Hanaanka lacag Bixinta Qaran waxay sidoo kale halkaas ugu qeyb gashay dood ay qeyb ka ahaayeen Bankiga England, Bankiga European Union, Mexico iyo Oman, waxaana lagu soo bandhigay doodaas Guullaha Soomaaliya ka gaartay hirgelinta mashruucan.

shirkan ayaa waxa Bankiga dhexe ee Soomaaliya ku matalayey masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Banka dhexe.