Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdi Sheekh Faarax (Beenebeene), iyo Ku-xigeenka Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, ahna Iskuduwaha Arrimaha Horumarinta iyo Bani’aadannimada, Mudane George Conway, ayaa si wadajir ah u guddoomiyay shirka Guddiga Maamula Sanduuqa Wadajirka Soomaaliya (Somalia Joint Fund – SJF).
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista natiijooyinka qiimeynta bartamaha muddada ee Sanduuqa, iyadoo lagu falanqeeyay heerka waxqabadka, xaaladda maalgelinta iyo sida ay u socdaan barnaamijyada laga hirgelinayo Soomaaliya.
Intii uu kulanku socday, xubnaha guddiga ayaa sidoo kale ka dooday mudnaanta la siinayo qorshayaasha sannadaha 2026–2027, Barnaamijka Saameynta (Impact Programme), iyo dib-u-habaynta hababka maalgelinta wadajirka ah, si loo kordhiyo waxtarka iyo hufnaanta taageerada horumarineed.
Kulanka ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in taageerada ay bixiyaan bah-wadaagta horumarinta ay si buuxda ula jaanqaaddo mudnaanta Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay taageerto hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), oo ah qorshaha dowladda ee lagu hagayo horumarka dalka sannadaha soo socda.
Wasiirka Qorsheynta ayaa xusay in iskaashiga dowladda iyo bah-wadaagta caalamiga ah uu door muhiim ah ka ciyaarayo hirgelinta mashaariicda horumarineed, xoojinta hay’adaha dowladda iyo kor u qaadidda adeegyada bulshada, isagoo ku baaqay in la sii xoojiyo wada-shaqeynta si loo gaaro yoolalka horumarineed ee qaranka.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Mudane Xirsi Gaani, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax, masuuliyiin ka socday Wasaaradda Maaliyadda, wakiillo ka socday dalalka deeq-bixiyeyaasha iyo Qaramada Midoobay.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo hubiyo in maalgelinta horumarineed ay si wax ku ool ah uga qeyb qaadato dib-u-dhiska dalka iyo horumarinta adeegyada muhiimka ah.