Dowladda Soomaaliya oo baaq u dirtay dalalka Jaamacadda Carabta

War-saxaafadeed Ka soo Baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo loogu diray Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa siddaan u qornaa:

Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ugu hambalyeyneysaa Xogheynta guud ee Ururka Jaamacadda Carabta munaasabadda sanadguurada 73,aad ee aas’aaska ururka oo ku beegneyd March 22, 1945.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa Jaamacadda Carabta garabjoogga milgaha leh ee uu ay u muujisay shacabka Soomaaliyeed iyo xukuumaddiisa intii ay jirtay masiibooyinka dabiiciga, dhibaatooyinka iyo falalka xun ee argagaxisadu geystaan.

Soomaaliya oo xubin ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, kuna biirtay February 14, 1974 waxaa loo eegaa inay tahay ilinka istiraatiijiyadda ammaan ee dunida carbeed sababo ku aaddan bedka Juquraafi ee ay ku fadhido iyo lahaanshaheeda xeebta ugu dheer Afrika ayaa waxa ay ugu baaqeysaa dhammaan dowladaha xubnaha ka ah ururka inay dib uga furtaan safaaradahooda iyo ergadooda diblomaasiyadeed Caasimadda Muqdisho si loo taageero dadaallada joogtada ah ee lagu sugayo ammaanka iyo deganaanshaha, si wadajir ahna looga shaqeynayo ka hortagidda caqabadaha iyo culeysyada si loogu guuleysto waajibaadka, qorshayaasha iyo mashaariicda hiigsiga leh.

SHARE

Facebook
Twitter