Dowladda Soomaaliya oo daahfurtay Istaraatiijiyadda Nafaqada Qaranka ee 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u daahfurtay Istaraatiijiyadda Nafaqada ee Soomaaliya ee Dhinacyada Badan 2026, taas oo ah hannaan qaran oo loogu talagalay xoojinta ka hortagga iyo wax-ka-qabashada nafaqo-darrada, isla markaana mideynaya dadaallada dowladda iyo bah-wadaagta.

Munaasabadda daahfurka oo ay si wadajir ah u soo qabanqaabiyeen Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Barnaamijka Scaling Up Nutrition (SUN), waxaa si rasmi ah u furay Agaasimaha Cunnada, Nafaqada iyo Isbeddelka Cimilada ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo Wakiilka FAO ee Soomaaliya.

Waxaa munaasabadda ka qeyb galay wasaarado iyo hay’ado heer federaal iyo dowlad-goboleed ah oo ay ka mid yihiin kuwa caafimaadka, beeraha, xannaanada xoolaha, kalluumeysiga, qorsheynta, deegaanka iyo isbeddelka cimilada, iyo sidoo kale Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) iyo Hay’adda Istaatistikada Qaranka.

Ka-qaybgalka hay’adahan ayaa muujinaya muhiimadda ay nafaqadu u leedahay ajendaha qaranka, maadaama wax-ka-qabashada nafaqo-darradu ay si dhow ugu xiran tahay caafimaadka, helitaanka cunto ku filan, biyaha iyo fayadhowrka, iyo xaaladaha deegaanka iyo cimilada.

Waxaa sidoo kale madasha ka qeyb galay hay’adaha caalamiga ah ee bah-wadaagta la ah Dowladda Soomaaliya, sida WFP, FAO, WHO iyo UNICEF, iyo hay’adaha bulshada rayidka ah iyo kuwa samafalka oo ay ka mid yihiin Concern Worldwide, YouthLink, GREDO, SOS Children’s Villages, ACF iyo IRC.

Sidoo kale, waxaa ka qeyb galay qaar ka mid ah jaamacadaha dalka, oo ay ka mid yihiin Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, Jaamacadda Jamhuuriyadda iyo Jaamacadda Muqdisho, taas oo muujinaysa doorka aqoonta iyo cilmi-baaristu ku leeyihiin horumarinta siyaasadaha nafaqada.

Istaraatiijiyadda cusub ayaa dejinaysa jihada wadajirka ah ee wax looga qabanayo sababaha keena nafaqo-darrada, iyadoo la isku xirayo dhinacyada caafimaadka, cuntada iyo beeraha, isla markaana xoogga la saarayo ilaalinta bulshada, isbeddelka cimilada, biyaha iyo fayadhowrka.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa ugu baaqay dhammaan daneeyayaasha inay si wadajir ah uga shaqeeyaan hirgelinta istaraatiijiyadda, si loo gaaro horumar la taaban karo oo waara oo ku saabsan nafaqada, caafimaadka iyo fayo-qabka bulshada Soomaaliyeed.