Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Siyaasadda Qaran ee Ilaalinta Bedqabka Rayidka Xilliyada Hawlgallada Ciidan iyo Colaadaha Hubaysan.
Munaasabadda daahfurka siyaasaddan ayaa waxaa ka qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad-goboleedyada dalka, diblomaasiyiin, saraakiil iyo marti-sharaf kale oo ka kala socday hay’adaha dowladda iyo dhinacyada ay khuseyso siyaasaddan.
Siyaasaddan ayaa diiradda lagu saarayo sidii loo xoojin lahaa ilaalinta dadka rayidka ah, gaar ahaan xilliyada ay socdaan hawlgallada ciidan iyo colaadaha hubaysan, iyadoo la adkeynayo in ciidamada iyo hay’adaha amniga ay si buuxda u dhowraan nolosha, karaamada iyo xuquuqda shacabka Soomaaliyeed.
Wasiir Axmed Macallin Fiqi oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay mar kale xaqiijinayso in ilaalinta bedqabka rayidku ay tahay waajib qaran iyo mid dastuuri ah, isla markaana ay muhiim u tahay dhismaha ciidan qaran oo leh anshax, xirfad iyo masuuliyad.
Wasiirka ayaa tilmaamay in ciidamada qaranku ay muhiim u tahay in ay gutaan waajibaadkooda amni iyagoo si gaar ah u ilaalinaya shacabka aan qaybta ka ahayn dagaallada, ayna ka fogaadaan tallaabo kasta oo waxyeello u geysan karta dadka rayidka ah iyo hantidooda.
Waxa uu sidoo kale xusay in siyaasaddan ay qayb ka tahay dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee lagu xoojinayo dowladnimada, ku-dhaqanka sharciga iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan marka dalka uu wajahayo xaalado amni iyo hawlgallo militari.
Daahfurka siyaasaddan ayaa sidoo kale loo arkaa tallaabo lagu horumarinayo hannaanka ay ciidamada iyo hay’adaha amniga Soomaaliya u maareeyaan hawlgallada, iyadoo la doonayo in la helo isku dheelitirnaan u dhexeysa sugidda amniga iyo ilaalinta badqabka shacabka.
Wasiir Fiqi ayaa ugu dambeyn adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta dadka rayidka ah iyo dhowrista xuquuqda muwaadiniinta inta ay socdaan hawlgallada ciidan iyo colaadaha hubaysan.
Dowladdu waxay sheegtay in hirgelinta siyaasaddan ay u baahan tahay wada-shaqeyn dhex marta hay’adaha dowladda, dowlad-goboleedyada, ciidamada qalabka sida iyo dhammaan dhinacyada ay khuseyso, si loo xaqiijiyo in shacabka Soomaaliyeed ay helaan amni iyo badqab, iyadoo la dhowrayo shuruucda dalka iyo mabaadi’da ilaalinta rayidka.