Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones-ka) ee lagu qaaday Boqortooyada Sacuudi Carabiya, iyadoo sheegtay in falalka noocaas ahi ay halis ku yihiin amniga, xasilloonida iyo nabadda guud ee gobolka Bariga Dhexe.
Warsaxaafadeed rasmi ah oo ay soo saartay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay garab buuxa la taagan tahay Boqortooyada Sacuudi Carabiya oo ay ku tilmaantay dal walaal ah, saaxiib dhow iyo waddan door muuqda ka qaata taageerada Soomaaliya iyo xasilloonida gobolka. Dowladda ayaa adkeysay in xiriirka labada dal uu ku dhisan yahay iskaashi taariikhi ah, is-ixtiraam iyo dan wadaag ku saleysan amniga iyo horumarka.
Soomaaliya waxay muujisay walaaceeda ku aaddan badqabka dadka rayidka ah iyo saameynta ay weerarradaasi ku yeelan karaan shacabka iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee Boqortooyada. Dowladda ayaa mar kale xaqiijisay inay taageersan tahay dhammaan tallaabooyinka sharciyeysan ee lagu ilaalinayo amniga, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Sacuudi Carabiya.
Warsaxaafadda ayaa sidoo kale lagu xusay in amniga Boqortooyada Sacuudi Carabiya uu laf-dhabar u yahay xasilloonida gobolka oo dhan, maadaama ay door muhiim ah ku leedahay ilaalinta nabadda iyo xorriyadda isu socodka maraakiibta ee Badda Cas iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee caalamka. Dowladda Soomaaliya waxay tilmaantay in amni darrada ka dhalata weerarrada noocan oo kale ahi ay saameyn ku yeelan karto ganacsiga caalamiga ah, isku socodka badeecadaha iyo dhaqaalaha dalal badan oo gobolka iyo dunidaba ah.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sidoo kale adkeysay in xal waara lagu gaari karo oo keliya waddooyin nabadeed iyo dadaallo diblomaasiyadeed. Waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso inay muujiyaan is-xakameyn, kana fogaadaan tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadaha, si loo ilaaliyo nabadda iyo xasilloonida gobolka.
Soomaaliya ayaa intaas ku dartay inay sii wadi doonto la shaqeynta saaxiibbadeeda gobolka iyo beesha caalamka si loo xoojiyo iskaashiga dhinacyada amniga, la dagaallanka khataraha ka dhanka ah nabadda, iyo ilaalinta xasilloonida gobolka. Dowladda ayaa ugu dambeyn ku celisay mowqifkeeda ah inay si buuxda u taageersan tahay dadaallada lagu xaqiijinayo nabad waarta, wada noolaanshaha iyo iskaashiga dalalka gobolka