Dowladda soomaaliya oo ka hadashay wada hadalka Itoobiya iyo ONLF

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, waxaa 11-kii bishan February 2018 ka furmay Shir u dhaxeeya Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya iyo Jabhada lagu magacaabo ONLF ee ka dagaalanta dhulka Ismaamulkaasi.

Shirkaan ayaa waxaa ka qayb galaya xubno ka tirsan ONLF, Madaxweynaha Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya Maxamed Cabdi Cumar, Saraakiil ka socota Dowladda Itoobiya iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda Kenya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay wadahadalka maalamahan socda ee u dhaxeeya Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya iyo Jabhada lagu magacaabo ONLF.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Amb. Axmed Ciise Cawad oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay wadahadal kasta oo keenaya Nabad, Xasilooni iyo Wanaag in ay soo dhaweynayaan oo ay taageerayaan.

“Annaga waxaan u arkeynaa Wadahadal kasta oo Nabad, Xasilooni iyo Wanaag u keenaya Gobolka, faa’iidana u leh waan soo dhaweyneynaa, waana taageereynaa.” Ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo magaalada Nairobi dalka Kenya  ee la xiriira wadahadalkan ayaa waxa ay ku waramayaan in dhinacyadan qodobada qaar ay isku fahmi la’yihiin shirkana uu qarka u saaran yahay inuu hakad galo.

ONLF oo ah jabhad hubaysan ayaa waxa ay u dagaalamaan xuriyada deganada Ismaamulka Soomaalida dalka Itoobiya, waxaana ka xiran maxaabiis badan oo jabhadaasi ka tirsan.