Dowladda Soomaaliya oo Kajawabtay hadal Kasoo yeeray Kenya

Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuusan jirin wada xaajood ay Kenya kala yeelatay Dowladda Soomaaliya dacwadda Badda ee horay loo geeyey Maxkamadda caalamiga ah ee Hegue.

Amb. Cawad ayaa xaqiijiyey inaanu jirin wax wada hadal rasmi ah oo Kenya iyo Soomaaliya ay ka yeesheen in waddo aan Maxkamadda Hegue ahayn lagu xalliyo khilaafka soohdinta Badda ee Labada dal ka dhexeeya.

“Kiiska dacwadda Badda ee inaga dhexeeya Kenya, waxa uu inoo joogaa maxkamadda caalamiga ah ee Hegue, waxaan idiin xaqiijinayaa inaan jirin wax intaas ka baddalan oo Kenya na dhexmaray, ingoo ixtiraamayna darisnimada naga dhaxaysa”. Ayuu yiri Mudane Cawad.

Hadalka Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa jawaab u ah wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, oo todobaadkan sheegtay inay jiraan wadahal ay madaxda Soomaaliya kala yeesheen arrimaha muranka Badda.