Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday olole ballaaran oo looga hortagayo cudurka Ebola, kaas oo saameyn xooggan ku yeeshay qaar kamid ah dalalka dhaca Qaaradda Afrika, iyadoo Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ay si rasmi ah uga digtay halista cudurkaasi iyo suurtagalnimada inuu soo gaaro dalka haddii aan la qaadin tallaabooyin adag oo ka hortag ah.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in la xoojiyey dadaallada lagu ilaalinayo caafimaadka bulshada, gaar ahaan goobaha laga soo galo dalka sida garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo xuduudaha. Dowladda ayaa sidoo kale bilowday olole wacyigelin ah oo shacabka lagu baraarujinayo khatarta cudurka Ebola, calaamadaha lagu garto iyo hababka looga hortagi karo faafitaankiisa.
Cudurka Ebola oo kamid ah cudurrada halista ah ee faafa ayaa dhowaan dib uga dilaacay dalka Uganda, waxaana arrintaasi sare u qaaday walaaca laga qabo inuu cudurku ku faafo dalalka deriska iyo guud ahaan gobolka Bariga Afrika. Soomaaliya ayaa xiriir dhanka amniga iyo socdaalka ah la leh Uganda, maadaama dalka ay ka joogaan ciidamo ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM iyo sidoo kale ciidamo ilaaliya xarumaha Qaramada Midoobay.
Hay’adaha caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegay in la diyaariyey qorshayaal degdeg ah oo lagu xakameynayo xaalad kasta oo la xiriirta Ebola, iyadoo la tababarayo shaqaalaha caafimaadka iyo kooxaha gurmadka degdegga ah. Wasaaradda Caafimaadka ayaa ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay si dhow ula socdaan tilmaamaha caafimaad ee ay bixinayaan hay’adaha dowladda, isla markaana ay ka fogaadaan wararka aan xaqiiqada ku dhisneyn ee bulshada cabsi gelin kara.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn adkaysay in iskaashi buuxa lala sameynayo hay’adaha caalamiga ah ee caafimaadka iyo dowladaha gobolka si loo xoojiyo dadaallada lagu xakameynayo cudurka Ebola iyo ilaalinta badqabka shacabka Soomaaliyeed.