Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay Aduun lacageed Oo Gaaraya1.5 Million oo Dollar

Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa 1.5 Million oo Dollar kala wareegtay Safaaradda Shiinaha ee Muqdisho, Si loogu gurmado dadka Fatahaada wabiga ay saameysay.

Lacagtaan ayaa horay dowladda Shiinaha ay u ballan qaaday Soomaaliya kadib markii ay Fatahaado ay ku dhufteen Magaalooyin badan oo ka tirsan Soomaaliya sidda Beledweyne iyo Baardheere.

Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa dowladda Shiinaha kaga mahadceliyay Lacagtaan ay ugu deeqeen dadka Soomaaliyeed.

 Lacagtaan ayaa Wasiirka waxaa ku wareejiyay Safiirka dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya.