Dowladda Soomaaliya oo lagu wareejiyay mas’uuliyadda Amniga Guud ee Magalada Dhuusamareeb.

Maanta oo Jimco ah taariikhduna ay ku began  tahay 2/8/2019 ayaa sirasmi ah waxaa Dowladda soomaaliya loogu wareejiyay mas’uuliyadda Amniga Guud ee Magalada Dhuusamareeb.

Goobta wareejinta oo aheyd Xarunta ay Dhuusamareeb ka degan yihiin Xubnaha Guddiga dib u heshiisiinta ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Ducaale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed sabriye, taliyeyaash Ciidamada iyo Sheekh Shaakir Cali Xasan iyo mas’uuliyiin kle.

Maxamed Shaakir Cali Xasan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in guud ahaan mas’uuliyadda Amniga Dhuusamareeb ay ku wareejiyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya looga baahan yahay inay qaado.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in dhamaan Ciidamada kala Duwan ee ku sugan Gudaha Magaalada Dhuusamareeb loo saari Doonaa Bannaanka Magaalada,isla markaana  Amniga Gudaha  ay la wareegi doonaan  Ciidamo Gaar ah oo Dowlada  DFS u diyaarisay.