Dowladda Soomaaliya oo Madaxweynaha Puntland ku Eeedaysay Carqaladaynta Kaarka Aqoonsi.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo warsaxaafadeed ka soo saartay tallaabo baalmarsan qaanuunka dowladnimada oo uu maamulka Puntland ku sameysanayo aqoonsi u gaar ah.
“Tallaabada uu qaaday madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland ee ah sameynta aqoonsi kale oo lagu carqaladeynayo Aqoonsiga Qaranka DF, waa qalad masuuliyadeed iyo mid sharciyadeed, waana mid si toos ah ugu xadgudbeysa hannaanka dowladnimada dalka.”